Dooxa Biyaha Roobka Dexmara Qardho

A young boy piggybacks his friend across a flooded muddy street in a village setting.

A man sits on a flooded wooden houseboat during a heavy flood.

Magaalada Qardho waxay muddo la liidatay daadad ku soo rogmada oo magaalada dexmara, sababana khasaare nafeed iyo mid hanti ma guurto ah.

2020kii bishii Abriil ayaa waxaa ku soo rogmaday daadkii ugu halista badnaa, wuxuu sababay 5 qof oo dhimasho ah, dad ku dhaawacmay iyo hanti burbur baaxad leh, maxa sababay daadadku  magaalada?, jawaabta oo fudud waa dad reer Qardhood ah oo degay marinnadii biyaha gaar ahaan toggii mari jiray magaalada dhexdeeda, waxay dhisteen guryo adag oo isku beegan taas ayaa sababtay in biyuhu isu ururaan oo inta isasoo gaaraan markii xaddigoodu kordho dhan walba u xula una toga magaalada dhexdeeda, dadkaasi ma helin cid yac tiraahda.

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi, intaa kaddib waxaan bilownay in aan isku dhinac wadno tirakoob sax ah oo lagu hubinayo khasaaraha dhabta ah iyo dadka runta ah ee uu gaaray iyo dhaqaale ururin.

Markii aan hubinnay oo aan abla-ablaynay dadka khasaaruhu gaaray dhaqaalihiina noo soo ururay waxaan u cawad celinay 1440 qof dad kor u dhaafaya, waxaanuna u qaybinnay lacag hal milyan oo doolar ka badan, kadib waxa la bilaabey in shaqo adag laga qabto dooxa

In muddo ah waxaa lagu hawlanaa bal in la helo sida ugu fudud oo lagu furikaro toggii la degaameeyey, markii dhowr sano la isku wareegay go’aanku wuxuu noqday in dadkaas guryaha laga iibsho oo la dumiyo, waana laga iibshay oo waxaa guryaha lagu gaday lacag hal malyan oo doolar ka badan.

Waxaa la dhisay jambiyada togga oo laga dhigay shub kulligiis inta dhulka ka hoosaysa iyo inta ka sarraysaba, waxaana loo sameeyey sallaamo ama jaranjarooyin lagu galo lagagana soo baxo.

Waxaa kale oo dib loo dhisay labo buundajiif oo la dumiyey maadaama togga kulligii la qoday.

Waxaa mahad leh Rabbi oo maanta ummadda tusay in shaqo sax ah oo wax ku ool ah la qabtay, biyihiina iyaga oo baaxad iyo xaddiba leh ay magaaladii dhaafeen iyaga oo aan cidna wax yeelin.

Intaa kaddib waxaa mahad leh intii dhaqaalaha, qalabka, wakhtiga iyo aqoonta galisay, Rabbigay abaalkiina janno ha ka dhigo.

A young boy piggybacks his friend across a flooded muddy street in a village setting.

MAXAMED YAASIIN ARTAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top